Maxamed Mooge Heestii | Nabsiga Hiishaan ( KABAN ) | Hees Qaraami Xul ah Lyrics
Автор: Hage TV
Загружено: 2024-04-24
Просмотров: 21700
Описание:
Heesta : Nabsiga Hiishaan
Codka : Maxamed Mooge AUN
Kabanka : Maxamed Mooge AUN
Laxanka : Cabdi Qays AUN
Erayada : Cabdi Qays AUN
#MaxamedMooge
#NabisgaHiishaan
#Qaraami
#Lyrics
#DhaameelMedia
LYRICS -
Imisaan Ku Hor Joogayoo
Wanaag Kaa Hiilinaayoo
Iskadaa Hadal Toosane
Warba Kaa Heli Waayoo
Wejiga Aad Iga Hiiftay
Adduun Waa Hadh Wareega
Waa Habeen Iyo Maalin
Isku Soo Hirdamaaya
Waa Habow Iyo Toos
Is Hareera Socdee ""
Waayihii Kol i Heeray
Hadii Uu Heeryo Ku Saaray
Inaan Ku Hab-Jileecaa
Waa mid aan la Helaynine
Hiyigaaga Ka Saar "
" Hogob Caleenliyo
Adoo Hadh Jiifee
Dhaxaan Harraad
Haalase Joogee "
Habeenka Maalin
Socodkiyo
Hirig Cadaadeed
Hugayga Reebtee "
Nabsiga Hiishaan
Heedhe Kula Haleeloo
Hoogtooy Wanaagani
Waa Kaad Halleyseen
Kulaa Hor Joogee "
Mar Baad Hilaaciyo
Hogol ahaydoo
Mar baad hiraysoon
Ku hiigsanaayee
Sowkii haacoogiyo,
Ahaa habeenka,
Halyayga maanta
,Lagu halmaamay,
" Nabsiga Hiishaan
Heedhe Kula Haleeloo
Hoogtooy Wanaagani
Waa Kaad Halleyseen
Kulaa Hor Joogee
Mar baad hubka is wada
Hareer ordaysoon
Anna hangool iyo
Gudimmo haystee
Adoo hitiitiqay
Haddaad i hoos timid,
Oon geedna haysan
Waa hiil Ilaahee,
" Nabsiga Hiishaan
Heedhe Kula Haleeloo
Hoogtooy Wanaagani
Waa Kaad Halleyseen
Kulaa Hor Joogee
Ha moodin adiguun
Inaan ku hiifee,
Haween dhammaan baan
Ka hawl yaraystee
Hiil iyo hooba
Mid kuu han weynoo,
Ku hanta Mawle
Ha kuu hibeeyee
ilaah Hortaadiyo
Heedhe Hareerahaagaba
Halkaad Maraysoo
Haku Hagaajee
Nabad Kusii Hoyo "
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: