Sababaha dalaaqa badan ee Soomaalida yurub ku nool xaaladda Caasha Kiin tusaale u ah
Автор: QURUX QOYS & CAAFIMAAD FIICAN
Загружено: 2026-01-29
Просмотров: 2254
Описание:
Sababaha dalaaqa badan ee Soomaalida yurub ku nool xaaladda Caasha Kiin tusaale u ah
Sida la wada og yahay soomaalida yurub ku nool waxaa ku badan furiinka.
Nin iyo xaaskiisa oo si deggan iskula nool arki maysid.
xaalado yar ayaa la dhihi karaa.
tolow maxaa keena furiinka badan.
Tusaale Ahaan gabadhan waxaa la dhahaa Caasho Kiin waxay ka mid tahay dumarka deggan yurub.
Waxay sheegtay in la qabay kaliya hal sano.
Marka hore waxay ku noolayd afrika ninka iyada guursaday wuxuu kasoo waday dalka Yugaanda wuxuu keenay dalka Norway.
Wax yar kaddib way is fureen.
Waxay leedahay sababta furiinka keentay ayaa ah ninkan ma rabo waalidkayga inaan lacag u diro.
lacagta aan qaato wuxuu rabaa inuu ku dalxiiso.
Runta markaan idin sheego ragga soomaalida badankooda ma qiimeeyaan dumarka.
Marka la wayddiiyay adiga gurigaaga maxaad u ilaalsan waysay ?
waxay ku jawaabtay nin soomaali haddaan la joogi lahaa waxaa ii dhaanta nin la'aan.
aniga hadda waxaan ku noolahay guri kaligayga. ceyr baan qaataa noloshayda way fiican tahay. reerkaygana waan biilaa marka maxaa iga maqan.
Runtii Caasho kiin dumar la mid ah way jiraan oo fara baddan oo yurub ku nool.
Teeda kale waxaa la sheegay dumarka ugu quruxda badan ayaa aad loo furaa !!
Taas dad badan ayaa isweyddiiyay ?
Jawaabta lagu qanci karo waa islaweynida iyo kibirka.
waayo naagta marka ay qurux badan tahay sida Caasho kiin oo kale jamaal iyo joogba ay leedahay ninka way yasaysaa waxay aaminsan tahay inuusan u qalmin iyada.
Dumarka quruxdooda noormaalka ah gurigooda way ilaalsadaan.
Marka caasho kiin nooceeda santaag iyo kibir ayay ku jiraan.
Naagaha yurub ku nool waxaa kaloo u keena kibirka lacagta bilaashka ay dowladda ka qaataan.
waayo naagta marka la siiyo guri iyo lacag ninka way ka maarmaysaa.
nolosha yurub naagta geesi ayay ka dhigaysaa.
Marka isfahanka ninka iyo naagta marka qurbaha la joogo waa muhiim.
teeda kale garoobada ilmaha haysta ayaa ugu dhib badan. rafaad ayay ku jiraan. waxaa laga yaabaa in ilmaha laga qaato haddii ay si fiican u daryeeli wayso.
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: