SAHRA AXMAD IYO ABU RAAS//SIDDIQABAX
Автор: SUPER EAGLE
Загружено: 2020-06-20
Просмотров: 257874
Описание:
Erayada: Axmed Saleebaan Bidde
Laxanka: Axmed Saleebaan Bidde?
Luuqda: Maxamed Ismaaciil Sh Axmed “Aburaas” iyo Sahra Axmed Jaamac
Aburaas
Haddii ruux jacayl sigo
Sahwi waa walaalee
Sidrigaygan damaqdee
In kastoonan sababtii
Sidaan kuugu imi beri
Si wacan kuugu garanayn;
Markii aan salaan idhi
Sunniyaha dushoodiyo
Sarwajida la ururshiyo
Waa taad timaha saydhee
Saddex goor gacmaha iyo
Surka aad is jabisee
Siddiqabax! intaad tidhi
Sanqaroorka taagtee!
Aniguna sulaaqaay
Maan seexanine xalay
Waxaan sara fadhiyay yaab!
Sahra
Dumarkuba saluuggiyo
Subaxdaad is barataan
Sahwiga wayska leeyiin;
Haddii aan u qabay sidan
Jacayl seefa inuu yahay
Waaban kuu sadburin laa!
Waxa soo sokaba maray
Sula xaajadii ahayd
Samaheennan maantee
Sahwiga iska daayoo
Sida sayniska hawada
Ragga dayaxa sahansaday
Sirta dumar adoon gelin
Samir ila ogow oo …
Imikana sidaan rabo
Haddii Eebbe igu simo
Waxaan sugo wax ii sada
Saadaaladaan qabo
Si kastaba adoo wacan!
Aburaas
Hadduu saydhmo dhibic roob
Uu simo xareed wadhan
Saxalku waa ka guure
Adiguna "sidaad" tahay
Sareedada aduunyada
Sahan midaan ku gaadhee
Haddaad saaka ii timi
Nabad igu salaantee
Maxaad ii la socotaa
Sama iyo xumaan kee?
Saddex goor wadnaha iyo
Sinta bidix is qabatee
Siddiqabax! intaad tidhi
Socod igu la hadashee!
Aniguna sulaaqii
Maan seexanine xalay
Waxaan sara fadhiyay yaab!
Sahra
Sarsarrada wadnaha iyo
Surimadiisa dhiiggiyo
Saableyda feedhaa
Seed iyo laf caashaqu
Amba sariyo hoosiyo
Waa kan sudhan naftaydee;
Ma sahlana hubsiinee
Cidba haddaanan kula simin
Oonan laba sad noqo odhan
Naxliga iska saaroo
Ila soco dhul sooliyo
Soof daran abaariyo
Saymo oodam keligaa
Kaaga siiban maayee;
Imikana sidaan rabo
Haddii Eebbe igu simo
Waxaan sugo wax ii sada
Saadaaladaan qabo
Si kastaba adoo wacan!
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: