Maandeeq | ma jin baa ma jaan baa | Jaleeladu ma geed baa | faadumo cabdilaahi maandeeq | maandeeq
Автор: DHUGMAAL LYRICS
Загружено: 2023-09-12
Просмотров: 68519
Описание:
Heesta: ma jin baa ma jaan baa
Luuqda: faadumo c/laahi Kaahin (maandeeq)
Erayada: c/laahi diiriye sooraan
Lyrics: Dhugmaal Lyrics
Qoraalka heesta (Lyrics)
Ma jin baa ma jaan baa?
Mise jahawareer bay
Arrintaydii joogtaa?
Sawkan jarihii aan waday
Dhan kale u janjeedhsaday
Allahayoow janniyo naar
Adaw kala jiheeyee
Aniga jooga iga maqan
Qalbigaygii lana jiroo
Oon jab iyo maamuus
Jirrab adag la soo maray
Isagana jacaylkuba
Uu la yahay dad jalaa
sideen ugu jaheeyaa
*********************
Jibintoo hilaaciyo
Sida johorad nuurtuu
Meel iila joogoo
Jibbadiyo kalgacalkanaa
Nafta waan jari laa
Sida roob jartaale ah
Ama jeerta webiyada
Ee joogta waligeed
Sawkan jabadka ila galay
Jisahayga Eebbaa
Jannadiisa iga siine
Waxay tahay jawaabtaydu
Inaan kaba jalbeebtaa
hadduu jabiyay wacadkiiba
***************************
Jaleeladu ma geed baa?
Jilbiskuna ma bahal baa?
Jigruhuna ma qori baa?
A'naa jololo'daydii
Ma waxaan jireyn baa?
Dadka laba jardaaqa
Jir jiroole siduu yahay
Hadba jeego kuu dhiga
Ee aan dhana ba jirin
Iyo waxa la jaadaba
Jaliilkan ka magan galaye
Nabsiguna haduu jiro
Hayska jalabuteeyee
Loo.. loo joogi doonee
#dhugmaal #dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: