Sida AI uga caawiyo beeraleey Soomaaliyeed khataraha isbeddelka cimilada
Автор: BBC News Somali
Загружено: 2026-02-20
Просмотров: 7575
Описание:
Sida AI uga caawiyo beeraleyda Soomaaliyeed khataraha isbeddelka cimilada
Guud ahaan Soomaaliya, musiibooyinka uu isbeddelka cimiladu horseeday ayaa noqday kuwo isdaba joog ah oo si xawli ah ku socda. Roobab mahiigaan ah iyo abaaro daba dheeraada ayaa halis geliyay nolosha iyo nolol-maalmeedka kumannaan qoys.
Dhulka miyiga ah, oo beeruhu yihiin halbowlaha nolosha, farqiga u dhexeeya badbaado iyo musiibo ayaa sii kordhaya marba marka ka dambeysa. Beeralay badan ayaa wajahaya xaalad adag oo ku qasbaysa inay go'aan ka gaaraan mustaqbalkooda iyagoo aan haysan xog ku filan oo ku saabsan waxa cimiladu u siddo.
Waxaan booqday mid ka mid ah deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo bulshada deegaanka ay bilaabeen isticmaalka garaadka macmalka ah si ay isaga difaacaan khataraha cimilada.
Fardowsa Hanshi ayaa warbixintaan ka diyaarisay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Somalia
Isbadelka cimilada iyo AI
Abaaraha fatahaada
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: