Wajir Today: Saameynta abaraaha magaalada Wajeer iyo suuq xolaha
Автор: Wajir Today
Загружено: 2025-12-23
Просмотров: 803
Описание:
Ganacsatada ka ganacsata suuqa ariga ee Qorahey, magaalada Wajeer, ayaa ka cabanaya suuq-la’aan baahsan oo si weyn u saamaysay nolol-maalmeedkooda.
Ganacsatadu waxay sheegeen in jilaalkii dheeraaday ee isu beddelay abaar uu hoos u dhigay dhaqdhaqaaqa suuqa, isla markaana ay ku adkaatay helitaanka nolol-maalmeedkooda.
Maxamed Muumin, oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Qorahey, kana waramay arrintan, ayaa u sheegay Wargeyska Wajir Today in xaaladdu aad u adag tahay, islamarkaana ganacsigu si weyn u hoos u dhacay.
Ganacsatada ayaa intaas ku daray in abaarta baahsan ee ku dhufatay qaybo badan oo ka tirsan Degmada Wajeer ay sababtay nolol aad u adag, taas oo saamayn ku yeelatay ganacsatada iyo qoysaskooda.
Sidoo kale, odayaasha suuqa ayaa sheegay in duruufaha nololeed ee adag ay keeneen in haween badan ay suuqa soo galaan, si ay u raadsadaan nolol-maalmeedkooda. Arrintan waxaa ka hadlay Wakhaan Mohamed Osman, oo loo yaqaan Ila Soco.
Mid ka mid ah haweenka ka ganacsada suuqa ayaa iyaduna ka warrantay xaaladda suuqa iyo saamaynta abaarta, iyadoo sheegtay in dakhliga si weyn hoos ugu dhacay.
Abaarta ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Wajeer ay sababtay cunto-la’aan baahsan, taas oo saameysay in ka badan 174,000 oo qof.
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: