Suugaanta Geela - Maxammuud Daallin (1875 - 1990)
Автор: HOYGA SUUGAANTA
Загружено: 2020-06-29
Просмотров: 866
Описание:
Maxammuud Jaamac Nuux Muuse Cabdulle wuxuu ahaa abwaan taariikhyahan ah oo cimrigiisa raagay fursad u siiyey inuu dhacdooyin badan oo dadka sheeko ku ah uu isagu u soo joogay. Abwaanka waxa lagu qiyaasaa in cimrigiisu gaadhay 115-120 sano, nin kastoo da' ahaa oo deegaannaduu ka soo jeeday ku noolaana wuxuu qiray inuu Maxammuud Daallin oo nin weyn ah garaadsaday.
Taariikhyahankii isla markaana ahaa aabbihii qorista Farta Soomaaliga, Xaaji Muuse Galaal ayaa taariikho uu idaacadda BBC-da u duubay ay ku jirtay inuu Maxammuud Daallin waydiiyey gabaygii ugu horreeyey ee Maxamed Cabdulle Xasan tiriyo oo uu isagoon isku hawlin u mariyey. Dad badan oo taariikhyahanno ah oo cilmi baadhis sameeyey ayaa qaba kutubna ku qoray inaan Maxamed Cabdulle Xasan gabyi jirin ee ay Daraawiishi lahayd koox abwaanno ah oo gabayada loo soo tirsho iyo dhacdooyinkii xarakadaba ka gabya.
Maxammuud Jaamac Ilaahay godka ha u nuuro, aammiin.s
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: