Dararamle Iyo Sahra Siyaad heesta Shacni Iyo Wanaag lyrics, Axmed Cali Haaruun iyo Sahro Siyaad hees
Автор: DHUGMAAL LYRICS
Загружено: 2022-09-05
Просмотров: 46490
Описание:
HEESTA : SHACNI IYO WANAAG
Erayada & Laxanka : Mohamed Adam DACAR
Codka : Axmed Ali Haaruun (dararamle) Iyo Sahra Siyaad
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
SAHRA SIYAAD :
Sheex iyo xishood baa
Jacayl igu shakaaloo
Waan shaamareeree
Malaha kuuma sheegine
Shashafada naftaydiyo
Shifadaydii baad tee
Alla sharaxsanidee
Hay sharaysaninee
Shimbirkayga noqoo
DARARMLE :
I shuqee kalgacalkuye
Aniguba ilaa shalay
Aawadaa shan goor baan
Shiil shiilay taladee
Sida aan shabeel ahay
Shafka aan ka reemee
Shacni iyo wanaaag
Sharaf badanidaa
Ma sheekaysanaa ?
SAHRA SIYAAD:
Lalabaa i shidayaa
I shuweysanaayoo
Intuu igu shacduray buu
Wadnahayga sheemee
Maan ihi shil iyo nacab
Aan kaa shishaninee
Alla sharaxsanidee
Hay sharaysaninee
Shimbirkayga noqoo
DARARMLE:
Shaal iyo xariir iyo
Sida shucubta dahabkaa
Shilisaa warkaaganu
Oo igu sharibanaa
Markaan sheeda kaa dayo
Sow shaashku ima kacin
Shacni iyo wanaag
Sharaf badanidaa
Ma sheekeysanaa ?
SAHRA SIYAAD:
Dhaaxaa dad wada shira
Oo aan shil kala helin
Uu Nacab shuqeeyaa
Shaydaan kala kaxeeyaa
Arrinteenu shuuf iyo
Yaanay noqonin sheegsheeg
Alla sharaxsanidee
Hay sharaysaninee
Shimbirkayga noqoo
DARARMLE:
Shaacoon madoobaan
Marka sheekhku daakiro
Inanyahay shafkaygii
Amba shuban ma daayee
Sharadkeenoo leexdaa
Loo sheegin nacabkee
Shacni iyo wanaag
Sharaf badanidaa
Ma sheekeysanaa ?
#dhugmaal_lyrics #dararamle
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: