Barnaamijka Nidaamka Dhaqaale ee Somaliland - Sida Qaab-dhismeedkiisu u Damaanad Qaado Horumarka...
Автор: University of Hargeisa (Jaamacadda Hargeysa)
Загружено: 2025-05-31
Просмотров: 10091
Описание:
Barnaamijka Nidaamka Dhaqaale ee Somaliland - Sida Qaab-dhismeedkiisu u Damaanad Qaado Horumarka aan u Baahannahay in aan Gaadhno
Madashan furan ee cinwaankeedu ahaa "Nidaamka Dhaqaale ee Somaliland: Sida Qaab-dhismeedkiisu u Damaanad Qaado Horumarka aan u Baahanahay in aan Gaadhno" waxa si rasmi ah u soo agaasintay Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Barashada Bangiyada, iyagoo kaashanaya Waaxda Cilmi-baadhista iyo Adeegga Bulshada ee Jaamacadda. Madashu waxay ka dhacday Hoolka Auditorium Hall ee Dugsiga Waxbarashada Sare ee Jaamacadda.
Madasha waxa si rasmi ah u furay Hormuud Ku-xigeenka Kulliyadda, Mudane Sakariye Iid, kaas oo ardayda kula dardaarmay in ay si dhab ah uga faa’iidaystaan kulamada cilmiga ah ee noocan oo kale ah. Waxa uu xusay in Kulliyaddu qorsheynayso in ay sii kordhiso madalaha noocan oo kale ah, isla markaana ay casuunto khubaro iyo dad khibrad leh oo si toos ah ugu jira suuqa shaqada, kuwaas oo la xidhiidha takhasusyada ay ardaydu bartaan.
Dr. Khalid Axmed, Agaasimaha Waaxda Cilmi-baadhista, Daabacadda iyo Adeegga Bulshada ee Jaamacadda, ayaa madasha ka hadlay, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in ardaydu ka faa’iidaystaan fursadahan furan. Waxa uu tilmaamay in madalaha sidan oo kale ah ay si weyn uga duwan yihiin duruusta fasalka, maadaama ay bixiyaan khibrad toos ah oo lala wadaago aqoonyahanno sare. Waxa uu intaa ku daray in Dr. Sacad Cali Shire uu yahay aqoonyahan sare oo door muhiim ah ka soo qaatay horumarinta waaxyaha kala duwan ee dawladda.
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista ee Jaamacadda, Dr. Fu’ad Cabdi Obsiiye, ayaa si diirran u ammaanay muhiimadda mowduuca iyo sida wanaagsan ee loo soo agaasimay. Waxa uu si sharaf leh ugu soo dhaweeyey Dr. Sacad Cali Shire madasha, isagoo ku tilmaamay haldoorka aqoonta iyo waayo-aragnimada.
Dr. Sacad Cali Shire, oo ah siyaasi iyo aqoonyahan rug-cadaa ah, ayaa si qoto dheer u soo bandhigay mowduuca madasha. Waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Somaliland leedahay nidaam dhaqaale oo suuq xor ah, hufnaan maamul, iyo iskaashi xooggan oo u dhexeeya dawladda iyo ganacsatada. Wuxuu sharaxaad ka bixiyey sida qaab-dhismeedka dhaqaale ee Somaliland uu u yahay mid fursad u ah horumar waara haddii si wanaagsan loo hagi karo.
Madasha ayaa lagu soo gunaanaday fadhi su’aalo iyo jawaabo ah, halkaas oo ay ka qaybgalayaashu su’aalo muhiim ah ku waydiiyeen Dr. Sacad. Wada-xaajoodyadu waxay abuureen xiiso gaar ah iyo kobcin aqooneed oo qoto dheer.
Madashani waxay ahayd fursad dhif ah oo ardayda iyo bulshada Jaamacaddu ku helaan aqoon, aragtiyo cusub, iyo dhiirrigelin ku saabsan horumarinta dhaqaalaha dalka. Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Waaxda Cilmi-baadhista waxay ballan qaadeen in ay sii wadi doonaan soo bandhigista madalaha cilmiga ah ee la jaanqaadaya baahida aqooneed iyo suuq-geynta xirfadaha ardayda.
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: