Diigaa Habeenkii | Kuluc | Huryo | Gacayte | Lyrics
Автор: Qaraamyahan
Загружено: 2022-07-27
Просмотров: 3200
Описание:
Heeskan abwaanku waxa uu ina tusay aqoonta aadka u durugsan ee uu miyiga u lahaa, AHUN. Waxana ina tusaysa baydaydka;
"Day oo awrka geeluba
Marbuu micida duuggaa
Dayrtiyo gu'gii iyo
Isba dayr-cadkiisuu
Sheedda uga doobiyaa
Kolkuu daaro xiisuhu
Wuu keli dawaafaa
Dambasamaha cawlkaa
dabeylaha ka faashee..."
Dambasamahaan u socdaaye, waa habeenka xoolo-dhaqatadu sumalka kusii dayn jirreen idaha si uu rimiyo. Habeenkan waxa uu dhacaa badhtamaha dayrta oo ku aadan bisha 11aad. Haddii habeenkan sumalka idaha lagu fasaxo oo ay dhacdaba inuu rimiyo, sidka idaha oo ah 150 habeen, waxay ay dhalmadu ku beegmaysaa gu'goo curtay bilowgii. Sababta xoolo-dhaqatadu sidan u yeeli jirtay ayaa ah in aanay iduhu dhalin xili abaaraysan oo dhibba ay tahay sida iyaga loo daryeelo, macdalla ubad ay sii dhaleen. Waxana iyaduna cajiibka xayawaanka cawlka la dhaho oo aan welligii la arag isagoo dheddigiisu dhalayo xili jiilaal ama abaar ah. Soomaaliduna waxay xayawaankan u a adeegsan jirtay inay ka tusaale qaataan.Runtii, xoolo-dhaqatadeenii horre waxay ahaayeen dad aqoon u lah la tacaamilka bay'adooda ay ku noolyihiin.
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: