'Uma ogolaanayno doorasho ugaar ah Madaxweynaha.. waxaan ka cafinay laaluush uu Baarlamaanka siiyay'
Автор: BBC Somali
Загружено: 2025-08-26
Просмотров: 182266
Описание:
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka tirsan madashan mucaaradka ah ayaa waraysi uu siiyay BBC-da waxa uu heshiiska Madaxweyne Xasan Sheekh iyo qeyb kamid ah mucaaradka ku tilmaamay aragti u gooni ah xubnaha heshiiska la qaatay madaxweynaha. Waxaana uu intaasi raaciyay in madashu ay ku dhisan tahay mabda' iyo aragti ka ballaadhan intaas.
Xubnaha aan qaybta ka ahayn is-afgaradka dhacay ee ka tirsan madasha samatabixinta ee mucaaradka Soomaaliya ayaa markii ugu horrayasay caddeeyay mowqifkooda ku aaddan heshiiska labada dhinac ee Villa Somalia iyo qayb mucaaradka kamid ah shalay dhex maray.
Xildhibaanka ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo in ay kala qaybsameen xubnihii hore ugu midaysnaa Madasahda Samatabixinta ee mucaaradka iyo in kale.
BBC-da oo weyddiisay in madashu ay u dhutin doonto xubnaha ka aragtida duwan ee heshiiska la qaatay dawladda ayaa waxa uu ku adkaystay in aanay arrintaasi dhibaato ku noqon doonin hawlaha mucaaradka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku dhalliilayaan Dawladda Federaalka aanay keliya ahayn arrimaha doorasahda, balse ay diiddan yihiin qaabka ay dawladdu u maamushay xiisadda Gedo, la macaamilka maamul-goboleedyada, ku-takrifalka hantida dadweynaha iyo dagaalka al-Shabaab iyo arrimo kale.
Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa geesta kale waxa uu duray waxayaabaha lagu heshiiyay isaga oo sheegay in la isla af gartay keliya afar qodob oo ka mid ah afartii cutub ee uu khilaafku ka taagnaa.
Mar la weyddiiyay waxa ay ku diiddan yihiin nidaamka doorasho ee madaxweynuhu soo bandhigay ayaa Cabdirxmaan Cabdishakuur waxa ku tilmaamay in wakhtiga hadhsan iyo hannaanka doorasho ee madaxweynuhu rabo aanay xilligan macquul ahayn.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay qaybaha hadhsan ee madashaasi ay weli ku taagan yihiin mowqifkoodii hore islamarkaan aya sii wadayaan mucaaraadada ay kala soo horjeedaan dawladda.
Повторяем попытку...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео
-
Информация по загрузке: