ycliper

Популярное

Музыка Кино и Анимация Автомобили Животные Спорт Путешествия Игры Юмор

Интересные видео

2025 Сериалы Трейлеры Новости Как сделать Видеоуроки Diy своими руками

Топ запросов

смотреть а4 schoolboy runaway турецкий сериал смотреть мультфильмы эдисон
Скачать

Wuxuu Ka Badbaaday Geeri La Hubo — Mid ka mid ah Dhacdooyinkii Ugu Cajiibsanaa Dagaaladii SNM

Автор: Arabsiyo News

Загружено: 2025-12-20

Просмотров: 17350

Описание: Wuxuu Ka Badbaaday Geeri La Hubo | Dagaalkii 73-Askari — Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu cajiibsanaa ee dagaalladii SNM iyo Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya
************
Waxaa jiray waqti mugdi ahaa oo dalkaygu uu galay dagaal dib u xoreyn.
Waqti ay Jabhadii SNM dagaalo aan kala go’ lahayn la galeen ciidamadii xooga wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya, dhiig badanna uu daatay.
Qof walba wuxuu xasuustaa cabsi, khasaare iyo rajo la’aan.
Laakiin maanta, waxaan xusuusaneynaa mid ka mid ah mucjisooyinkaas nolosha —
sheeko qof ku jiray meel geeridu u dhowdahay, balse Alle u fududeeyay badbaado aan la rumaysan karin.
Qisadan waa xasuus, waa digniin, waa fariin naxariis iyo rajo wadata.

Wuxuu ka badbaaday geeri la hubo.

Sanadku waa 1988, bishuna waa June. Waa xilli uu marayo heerkii ugu kululaa dagaalkii u dhexeeyay xoogaggii SNM iyo ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Goobtu waa Masalaha galbeed ee magaalada Hargeysa, meel buuraha koonfur ka xiga magaalada. Halkaas ayaa lagu dagaallamay — dagaal qadhaadh oo dhexmaray guuto ciidanka dowladda ah iyo ciidan yar oo SNM ah, kuwaas oo tiradoodu ahayd 83 askari oo dhalinyaro u badan.

Ciidankaas yar waxaa hoggaaminayay Mujaahid Xassan Ibraahim – Xassan Waraabe (Alle ha u naxariisto). Inkasta oo ay tiro ahaan yaraayeen, haddana waxay guul la taaban karo ka gaadheen dagaalkaas.

Waxay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidanka xooggu ku faani jireen — Kaare noociisu cusub yahay, oo laga soo farsameeyay dalka Maraykanka.

Hase yeeshee, dhalinyaradaasi ma aqoonin sida loo kaxeeyo gaadhigaas dagaal, sababtoo ah badankoodu waxay ahaayeen gaas dhagoole (ciidankii deegaanka oo aan tababar ciidanimo haysanin). Si aan mar kale loogu soo weerarin, waxay go’aansadeen inay kaarihiisii dab qabadsiiyaan, oo xaabo ku shidaan.

Markii uu dagaalku dhacay, Xassan iyo ciidankiisii waxay dib ugu gurteen jeex-jeexyo jihada koonfureed ka xigay. Gabalkii markuu dhacay, waxaa u yimid saraakiil sare oo ka tirsan ururkii SNM — Cabdilaahi Askar, Dayib Gurey, iyo mujaahidiin kale.
Saraakiishaas waxay u sheegeen in dagaalkii ka socday magaalada Hargeysa uu marayo halkii ugu cuslayd, xaaladuna ay aad u adagtahay — in badan oo ciidankii SNM ahna ay dhinteen, kuwo badanna ay dhaawacmeen.
Markii la is waraystay, saraakiishii waxay Xassan waydiiyeen qorshihiisa xiga.
Xassan isagoo cod adag ku hadlaya ayuu yidhi:

“Waxaa na soo ag degay ciidan iyo saadkoodii... kuwaas ayaan doonayaa inaan aroorta weeraro oo ka furto hubkooda iyo wixii kale ee ay sitaan.”

Warbixinta Dagaalka iyo Qisada

“Maanta waxaan la kulanay Iid Jiciir Aw Axmed, oo ka mid ahaa dhalinyaradii dagaalka culus ka qayb galay. Wuxuu maanta nala wadaagayaa qisadiisii mucjisada ahayd ee uu ku badbaaday halkaas.”

Waa sheeko naxdin iyo mucjiso isku jirta — mid uu Alle badbaadiyay, halkaas oo geeridu ay u muuqatay mid la hubo.”

Gunaanad

Qisadani waa mid dhab ah, balse waxay xambaarsan tahay cashar weyn.

In noloshu tahay hadiyad,
in nabaddu tahay nimco,
in rajadu aanay marnaba dhammaan — ilaa Alle uu go’aansado.

Dhibaatadii la soo maray ma noqon karto mid la illoobo,
balse waa in loo beddelaa xasuus wacyigalineed iyo arin jiilka dambe wax ka korodhsan karaan .

Wuxuu ka badbaaday geeri la hubo.


Nolosha, samirka, iyo Doonista Eebe — waa saddexda ay mucjisooyinka dhabta ahi ka dhalan karaan.

ARABSIYO NEWS Kala Soco Wararkii U Dambeeyey Ee Soomaalida iyo Dunida. Kuxidhow #arabsiyo_news

Не удается загрузить Youtube-плеер. Проверьте блокировку Youtube в вашей сети.
Повторяем попытку...
Wuxuu Ka Badbaaday Geeri La Hubo — Mid ka mid ah Dhacdooyinkii Ugu Cajiibsanaa Dagaaladii SNM

Поделиться в:

Доступные форматы для скачивания:

Скачать видео

  • Информация по загрузке:

Скачать аудио

Похожие видео

Deg Deg Aqoonsiga Somaliand Tirada Dalalka Ku Xiga Israel & Guullaha Dublamaasi Oo La Shaaciyey

Deg Deg Aqoonsiga Somaliand Tirada Dalalka Ku Xiga Israel & Guullaha Dublamaasi Oo La Shaaciyey

Exclusive I Wariye Xasan Bariise - Maxay #Ethiopia u aqoonsan ladahay #Somaliland

Exclusive I Wariye Xasan Bariise - Maxay #Ethiopia u aqoonsan ladahay #Somaliland

DEG DEG Ciidanka B/Ciise oo weerar lagu so qaday, Ciro oo Fasaxaya markale  Xeer Ciise Ugaas Mustafe

DEG DEG Ciidanka B/Ciise oo weerar lagu so qaday, Ciro oo Fasaxaya markale Xeer Ciise Ugaas Mustafe

Dagaalkii Daynuunaay Iyo Iidaale Dagaalladii Maxkamadaha Iyo Itoobiya 2006-2007

Dagaalkii Daynuunaay Iyo Iidaale Dagaalladii Maxkamadaha Iyo Itoobiya 2006-2007

Mujaahid ka warramay dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee ay la kulmeen Dagaalkii Burco-duurey.

Mujaahid ka warramay dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee ay la kulmeen Dagaalkii Burco-duurey.

WARARKII U DAMBEEYAY AQOONSIGA !$RAA'!!L EE SOMALILAND & JAWAABAHA XOOGGAN EE KA DHASHAY

WARARKII U DAMBEEYAY AQOONSIGA !$RAA'!!L EE SOMALILAND & JAWAABAHA XOOGGAN EE KA DHASHAY

Siduu Qoraal Facebook U Galaaftay Mucamar Al-Qadaafi? || Full Documentary || @EEGMO

Siduu Qoraal Facebook U Galaaftay Mucamar Al-Qadaafi? || Full Documentary || @EEGMO

DEG__madaxweynayashi hore somaliland o madaxtoyada tagay &imaratka caawa &cidanka boliska qabtay Hal

DEG__madaxweynayashi hore somaliland o madaxtoyada tagay &imaratka caawa &cidanka boliska qabtay Hal

Kaftanka Siyaasada 691 oo aad u xiisa badan

Kaftanka Siyaasada 691 oo aad u xiisa badan

Xamar oo Goor xun kacday midnimada Hargaysa & Farmajo Furka tuuray

Xamar oo Goor xun kacday midnimada Hargaysa & Farmajo Furka tuuray

Sirta Laga Helay Go’aanka Israil ee SL iyo Cida Mas’uuliyadda Qaadanaysa-Baahin Xoogan

Sirta Laga Helay Go’aanka Israil ee SL iyo Cida Mas’uuliyadda Qaadanaysa-Baahin Xoogan

Aqoonsiga SOMALILAND ?

Aqoonsiga SOMALILAND ?

Diyaarad ay saarnaayeen 66 qof oo ilaa maanta aan la garanayn waxa ku dhacay! Diyaaraddii EgyptAir

Diyaarad ay saarnaayeen 66 qof oo ilaa maanta aan la garanayn waxa ku dhacay! Diyaaraddii EgyptAir

TOOS: CITIRAAFKA ISRAEL EE SOMALILAND | 'GEERIDA MIDNIMADA SOMALIA'

TOOS: CITIRAAFKA ISRAEL EE SOMALILAND | 'GEERIDA MIDNIMADA SOMALIA'

Jid Aan Hor Loo Marin Halgankii SNM & 70KII Mujaahid Ee U Badheedhay Gaaskii Siyaad Bare

Jid Aan Hor Loo Marin Halgankii SNM & 70KII Mujaahid Ee U Badheedhay Gaaskii Siyaad Bare

COLL. JAMA ALI JAMA WAXAAN XIRNAA 11 SANO, SABAB LA'AAN!

COLL. JAMA ALI JAMA WAXAAN XIRNAA 11 SANO, SABAB LA'AAN!

Waayojoog: Maxamuud Yuusuf Cabdi, Ciyaaryahan Qaran oo hore & dhacdooyin xiiso leh. Q-1aad

Waayojoog: Maxamuud Yuusuf Cabdi, Ciyaaryahan Qaran oo hore & dhacdooyin xiiso leh. Q-1aad

Mukhaabaraadka Soomaliya oo Mar Dhaafay Kan Wadamada Geeska Africa | Sh Cabdiraxmaan Bashiir

Mukhaabaraadka Soomaliya oo Mar Dhaafay Kan Wadamada Geeska Africa | Sh Cabdiraxmaan Bashiir

Exclusive I Avv.  Xasan Dhimbil Warsame I Xabsi iyo xusuus hore haldoorkii Soomaaliya

Exclusive I Avv. Xasan Dhimbil Warsame I Xabsi iyo xusuus hore haldoorkii Soomaaliya

Waftiga Maraykanka ah ee yimid Hargeisa wuu jiraa, Aqoonsiguna waa tusbax furtay.... Jaamac Gaabuush

Waftiga Maraykanka ah ee yimid Hargeisa wuu jiraa, Aqoonsiguna waa tusbax furtay.... Jaamac Gaabuush

© 2025 ycliper. Все права защищены.



  • Контакты
  • О нас
  • Политика конфиденциальности



Контакты для правообладателей: [email protected]